WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Amar siiyey hay’addaha amniga Dowladda iyo AMISOM

By xuseen waashitoon

March 01, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir la yeeshay taliyeyaasha hay’adaha ammaanka dalka iyo ciidammada midowga Afrika ee AMISOM.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble, hay’addaha amniga iyo Ciidanka AMISOM ayaa waxaa diirada lagu saaray adkeynta amniga guud ee dalka, gaar ahaanna Magaalada Caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray hay’adaha amnigu inay xoogga saaraan dardar gelin howlgallada ka dhanka ah argagixisida ee guud ahaan gobollada dalka

Sidoo kale Rooble ayaa hay’addaha ammaanka ku amaray in si gaar ah loo adkeeyo amniga caasimadda oo lagu qabanayo doorashooyinka guddoonnada Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.