Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-RW Rooble oo Amar kusoo rogay Wasaaradda Maaliyadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray Amar cusub oo ku socda Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Qoraal kasoo baxaya Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa Wasiir C/raxmaan Beyle lagu amray in uusan bixin karin wax kharash ah nooc kasta ha’ahaate illaa uu ogalaasho ka helo Xafiiska Rooble.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa la faray in mushaarka Ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeega dowladda waa in ay marka mas’uuliyiinta Wasaaradda maaliyadda waajibaadkooda shaqo ka gutaan ay ogolaansho ka helaan Ra’iisul Wasaaraha, inta aan la bixin wax lacag ah.

Sidoo kale Rooble ayaa ku amray Wasaaradda Maaliyadda in wax lacag aysan ka soo qaadi karin qoondada dowladda Federaalka Soomaaliya ee lacagta Hay’adda IMF, iyada oo aan ogolaasho laga helin Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO

Exit mobile version