Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ra,iisul Wasaare Khayre oo Khudbad kasta Sadex Qodob uga hadla iyo waxay ka qaban doonto xukuumadiisa-{Akhri}

Ra’isul wasaaraha DF Soomaaliya ayaa khudbad walba oo uu jeediyo iyo munaasabad walba oo uu ka qeyb galo waxaa uu hal ku dhig ka dhigtay sedex qodob oo tiir unoqon doona xukumadiisa cusub.

Tan iyo maalintii xilkaas loo magacaabay Xasan Cali Kheyre, lana ansixiyay isla markaana uu meel mariyay golihiisa wasiirada ayaa waxaa uu kusoo cel celinayay sedex arin oo Soomaalidu si weyn ugu baahan tahay.

1- la dagaalanka Masuq maasuqa

2- Isla Xisaabtan dhab ah.

3- iyo sidoo kale arimaha cadaaladda.

RW Kheyre ayaa usheegay wasiir kasta oo katirsan xukumadiisa inuu soo gudbiyo hantida uu haysto si looga fogaado masuq maasuq isla markaana isla xisaabtan dhab ah loo sameeyo.

Sidoo kale waxaa uu marar badan ku cel celiyay in loo baahan yahay cadaalad adag oo lagu maamulo dalka oo ay dhibaatooyin dhanka garsoorka ah ka jiraan.

RW Kheyre ayaa hadaladiisa ay yihiin kuwa had iyo jeer uu uga hadlayo hormarka dalka gaar ahaan qorshaha xukumadiisa.

Exit mobile version