WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday seddex kamid ah golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, iyadoo seddex kale oo cusub lagu badalay wasiiradaasi.

By A A K

January 04, 2018

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday seddex kamid ah golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, iyadoo seddex kale oo cusub lagu badalay wasiiradaasi.

 

Yuusuf Garaad Cumar, Qadra Axmed Ducaale iyo Cabdi Faarax Juxa ayaa waayay xilalkii ay ka hayeen xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa loo magacaabay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye waxaa loo magacaabay wasiirka arimaha gudaha halka wasiirka arimaha dibadda loo magacaabay Danjire Axmed Ciise Cawad.

 

Wasiirada cusub ayaa lagu amray inay si dhaqso ah xilalkooda ula wareegaan, waxaana la sheegay in faafinta rasmiga ah lagu soo saari doono magacaabidda wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

Arinta waxay imaaneysaa iyadoo wali ay banaanyihiin boosaskii ay baneeyeen labo kamid ahaa golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, oo kala ahaa wasiirkii gargaarka iyo wasiirkii diinta iyo Awqaafta.