WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaaraha cusub Xamse oo Maanta si rasmi ah u shaqo bilaabay

By xuseen waashitoon

June 29, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta oo Arbaco ah si rasmi ah uga shaqo bilaabay Xafiiskiisa, kadib markii shalay uu xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadii xilgaarsiinta aheyd ee Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisu Wasaare Xamse Barre ayaa laga sugayaa inuu soo dhiso Xukuumadda cusub ee Golihiisa Wasiirada, isagoona horey u ballan qaaday inuu soo dhisayo Xukuumad lagu soo tulay qibrad iyo waayo-aragnimo, isla markaana uu sameeyn doono la tashiyo.

Xildhibaano iyo siyaasiyiin badan oo ay ku jiraan wasiiro xilka haya hadda ayaa wada dadaallo xooggan oo ay uga soo dhex muuqanayaan Golaha Wasiirada cusub, ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ka bilaabaya kulamo wadatashi ah, isagoona kadib soo magacaabaya Golihiisa Wasiirada oo ay horyaalan shaqooyin farabadan.