WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq oo si dirqi ah uga badbaaday weerar lagu Dili rabay

By xuseen waashitoon

November 07, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Ciraaq Mustafa Al-Kadhimi ayaa sheegay inuu ka badbaaday weerar lagu qaaday hoygiisa oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Baqdaad.

Ugu yaraan lix qof oo ka mid ah ilaalada ra’iisul wasaaraha ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi oo la tilmaamay in lagu fuliyay diyaarad nuuceedu yahay Drone oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Warar hore oo warbaahintu ay sii deysay ayaa sheegayay in r/wasare al-Kadhimi loo qaaday isbitaal,inkastoo qoraal la soo dhigay baraha bulshada ay sheegeen in R/wasaaraha uu dadka ugu aaqay in ay muujiyaan .

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lala beegsaday guriga r/wasaaraha oo ku yaalla aagga cagaaran ee ay ku howlgalaan dowladda iyo safaaradaha shisheeye.