WARARKA SOOMAALI

Rag tacadiyo Puntland ugu geystay Qoys oo Maxkamad lasoo taagay

By xuseen waashitoon

June 13, 2023

Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Bari ayaa maanta la horgeeyay 5 nin oo dhallinyaro oo ku eedeysan ku xad-gudubka qoys ay gurigooda u dhaceen xilli habeen ah toddobaadkii hore magaalada Boosaaso, kaddibna ay ka duubeen muuqaallo caro dhaliyay.

Dhammaan shanta eedaysane ee Maanta la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Bari ayaa sida la caddeeyay qiraal ku ah kiiskan, kadib baaritaan ay ku samaysay waaxda C.I.D, ka hor inta loo gudbin maxkamadda.

Laamaha ammaanka Maamulka dowlad Goboleedka Puntland iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn uga horyimid tallaabada dhallinyaradan ay ku kaceen, taas oo keentay si dhaqso ah in loo soo xiro, saakana maxkamad la soo istaajiyo.

Falka muuqaalka looga duubay qoyska oo ku baahay baraha bulshadda ayaa muujinayay dhalinyaradda la horgeeyay Maxkamadda oo si tacadi ah  iyo hanjabaad ugu geysanaya qoyska ay gurigooda iyaga oo hurda u dhaceen.