Site icon HORUFADHI MEDIA |

Rag nafta u keenay dadka degan xaafad ka tirsan Muqdisho oo la dilay

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Toogasho goordhweyd ka dhacday Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dad goobjoogayaal oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in laba ruux oo burcad ahaa la toogtay, kuwaasi oo dadka ka dhici jiray telefoonka gacanta lagu qaabto iyo waxyaabaha kale oo xiligaas ay wataan.

Dilka loo geystay raggaas ayaa sigaar uga dhacay Xaafadda Al-baraka ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, isla markaana waxaa toogtay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka.

Inta badan degmooyinka iyo Xaafadaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca falalka dhaca ah oo ay gaystaan dabley hubeysan oo inta badan bulshada dhibaato u gaysta.

Habeeno kahor Ciidanka amniga dowladda Federaalka ayaa degmada Dharkeenley ee Gobolka Baandir ku dilay rag burcad oo dadka degmadaas dhac baahsan u geysan jiray waqtiyada habeenkii ah.

Exit mobile version