Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waaberigii hore ee saakay xaafad ka tirsan degmada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir ku dilay rag hubeysan oo dadka dhac u geysan jiray, xiliyada habeenkii ah.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Ciidanka amniga ay raggaas oo laba ahaa ku toogteen xaafadda Gubta ee degmada Deyniile, kuwaasi oo la sheegay inay dadka ka qaadan jireen Moobeelada gacanta.
Burcada hubeysneyd ayaa xiligii la dilayay watay Mooto laba lugaaley ah, waxaana la tilmaamay in mid kamid ah ragga uu isku dayay inuu goobta ka baxsado, hayeeshee Ciidanka amniga ayaa rasaas farabadan ku furay, iyagoona geeriyooday.
Si kastaba Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa horey sidaan oo kale degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ugu dilay rag buracd hubeysan oo dadka ka dhici jiray Telefoonka gacanta iyo waxyaabaha kale ay wataan, halka burcad kalena la qabtay.