WARARKA SOOMAALI

Rag hubeysan oo lagu toogtay Muqdisho iyo shacab badan oo ku farxay

By Xuseen Post

December 08, 2020

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlga  Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ay ka fuliyeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaaddir, kaas oo lagu xaqiijinayay amniga Magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo xalay ka dhacay degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ayaa lagu baacsaday rab hubeysan hubeysan oo burcad ah muddooyinkii dambe dhac ka geysan jirtay degmadaasi, kana dhici jirtay Telefoonka gacanta iyo agabka kale ee ay wataan.

Ciidamada oo ka war helay goob ay ku sugnaayeen raggaas ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday,  waxaana la sheegay in ay is dhaafsadeen Rasaas culus, isla markaana markii dambe la toogtay qaar ka mid ah Burcadii hubeysneyd.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u sheegay warbaahinta in muddooyinkii dambe lagu raadjoogay ragaasi oo dhibaato ku haayay shacabka, hayeeshee Xalay la toogtay.

Inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka jira burcad hubeysan kuwaas oo dhac u geysta dadka shacabka, iyagoo ka qaata waxa alaala wixii ay wataan haba ugu badnaadaan Teleefoonada Gacanta.