Gelinkii dambe ee shalay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hotelka Peace ee Magaalada Muqdisho ku xareysay Guddiyada doorashada heer maamul Goboleed oo ah weli kuwo kala dhiman.
Guddiyada la xareeyay ayaa waxaa ay kala yihiin Guddigii doorashada dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo min saddex xubnood oo Xukuumadda ku kordhisay Guddiyada doorashada heer dowlad Goboleed.
Guddigii doorashada Galmudug ayaa ka mid noqon kuwa la xareeyay, isla markaana waxaa la sheegay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu dalbaday in dib loogu dhigo.
Sababta keentay in dib loo dhigo xareynta Guddiyada doorashada ee maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Qoorqoor uu doonayo in xaln buuxa laga gaaro khilaafka hareeyay Guddiyada ee u dhexeeya dowladda iyo Musharaxiinta.
Dowlad Goboleedka Puntland iyo Jubbaland ayaa weli soo gudbin Liiska xubnaha ku metelaya Guddiyada doorashada ee la magacaabay, waxaana Jubbaland soo magacaabida Guddiyada ku xirtay shuruud adeg.
Maanta ayaa lagu wadaa in Guddiyada doorashada ee dowladda Federaalka Soomaaliya xareysay loo furo tababar ku saabsan howlaha doorashada, xili aan Guddiyada doorashada ee dowlad Goboleedyada lasoo dhameystirin.