WARARKA SOOMAALI

Qodobaddii Masiiriga ahaa ee wadahadalada Khaatumo iyo Somaliland oo la isku Afgaran waayey.

By News Hour

March 29, 2017

Wada hadaladan oo maalintii shanaad ka soconaya magaalada Djibouti ayaa noqday kuwii ugu adkaa ee dhexmara labada maamul maadama markii ugu horaysay laga doodayey arimaha masiiriga ah ee waaweyn. Waxana wararku sheegayaan in dhanka maamulka Khaatumo uu istaagay inay doonayaan inay ahaadaan laba maamul oo siman{Two State Solution}.

Isla markaana iska kaashada arimaha siyaasadda, Amaanka iyo ganacsiga, taasoo ay dood adag ka kenen kawa SL, ayagoo dhankooda sheegay inay doonayaan midnimo reer waqooyi oo ku salaysan Somalilandnimo.

Wada hadalada ayaa marar badan ku sigtay in lagu kala kaco ayadoon weli waxba la isku raacin, waxaana wararku sheegayaan inaysan soo bixi doonin wax qodobo oo muhiim ah, maadama lagu kala aragti duwaanaaday qodobadii Masiiriga ahaa. Waxana wararka shabakada Horufadhi helayso sheegayaan in dooduhu u badnaayeen qodobada iyo Ajandaha Khaatumo soo gudbisatay ee cadeenayana inay yihiin maamul buuxa, shacabka deegaanadaasna ay doorteen.

 

Dhanka deeqaha abaaraha iyo waxyaalo kale oo yar yar ayaa lagu wadaa inay noqdaan qodobadu, ayadoo lagu wado in dhaqaalaha Abaraaha lagu wareejiyo maamulka Khaatumo State.

Ergadda maamulka Somaliland ayaa waxa ka muuqda kala daadsanaan iyo go’aan la’aan baahsan, ayadoo ay muuqato isku dhaxyaac dhanka maamulka ah.

Maamulka Khaatumo ayaa ku adkaystay inaysan kolaba ka tanaasuleyn rabitaanka shacabkooda ee ku dhisan lahaanshaha masiirkooda iyo ismaamulkooda madax banaan oo aan laga doodeyn marnaba.

Xili sii horaysayna barlamaanka maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in wada hadalada Djibouti yihiin kuwa u dhexeeya laba maamul Khaatumo iyo Somaliland, ayagoo si rasmi ah u aqoonsaday maamulka Khaatumo State.

Horufadhi.com@gmail.com