Site icon HORUFADHI MEDIA |

QM iyo Turkiga oo War kasoo saaray dib u soo celinta xiriirka Somalia iyo Kenya

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo dhaweeyey Doorka Dowladda Qatar ay ka qaadatay soo-celinta Xiriirka Diplomaasiyadeed ee u dhexeeyey Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

War qoraal oo uu soo saaray Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Stephane Dujrik, ayaa waxa uu ku sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu muujiyay Rajadiisa ku aadan Baaqyadii ka soo kala baxay Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ee ku saabsan Soo-celinta Xiriirkooda Diplomasiyadeed ee labada dal.

Qoralka ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu muujiyey inay Tallaabadaasi horseedi doonto inay labada dal ay si buuxda u soo ceshan doonan Xiriirkooda, oo lama huraan u ah Degananaashaha iyo Iskaashiga Mandiqadda gobalka gaar ahaan Geeska Afrika.

Dhinaca kale, Dowladda Turkiga waxay bogaadisay soo-celinta Xiriirkii Diplomaasiyadeed ee Dowladaha Somalia iyo Kenya.

Exit mobile version