Safiirka Waddanka China, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ayaa si toos ah Maanta u daahfuray isla markaana qaatay talaalka nuuciisa labaad ee loo yaqaano Cinovac lagana keenay Waddanka China.
Mawaadiniinta u dhashay China ee ku nool Soomaaliya ayaa noqday dadkii ugu horeeyay ee talaalkaan lagu daah furo, iyadoo ay qaateen Safiirka China u fadhiya Soomaaliya, Shaqaalaha Safaaradda, ilaalada iyo muwaadiniinta kale ee Chiniiska ah ee ku nool Soomaaliya.
Dowladda China ayaa Soomaaliya soo gaarsiisay Talaalkaan maanta la daah furayo si loo yareeyo khatarta Covid19, waxa uuna sheegay safiirka inay sii wadi doonaan kaalamada Caafimaad ee Chinihu uu siinayo Dowladda Soomaaliya.