WARARKA SOOMAALI

Qatar oo baaritaan ka Codsatay Dowladaha Soomaaliya iyo Ereteriya

By Xuseen Post

January 30, 2021

Dowladda Qatar ayaa dalbatay in baaritaan lagu sameeyay dhalinyarada Somaaliyeed ee tababar Ciidanimo logu qaaday dalka Ereteriya, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay la isla dhex-marayay in qaarkood lagu dilay dagaalkii ka dhacay Gobolka Tigreega Itoobiya.

War-Saxaafadeed kasoo baxay dowladda Qatar ayaa waxaa lagu sheegay in dowlaha Soomaliya iyo Ereteriya inay sameeyaan baritaan la xiriira dhalinyaradaas, isla markaana  qiyaano ah loogu sheegay in la geeynaayo Qatar.

 “Waan cambaareynaynaa shaqsi kasta oo si been abuur ah loogu sheegay inay u guurayaan Qatar si ay fursado shaqo uga helaan, Qatar waxay ka soo horjeedda dhaqamada noocan oo kale ah waxayna ku boorrineysaa dhammaan dowladaha inay baadhaan xadgudubyada noocaas ah”.

Sidoo kale dowladda Qatar ayaa sheegtay in kooxo nugul  mar walba lagula dhaqaaqo falalkaan oo kale, hayeeshee si taasi looga hortago in dowladda Qatar dalalka ay ka yimaada Shaqaalaha rasmiga ah ay furtay Xarumo laga bixiyo dalku-galka dalkaas.

Dowladda Qatar ayaa u muuqata inay iska fogeeyneyso ku lug lahaanshaha dhalinyaro faraadan oo Waalidoontooda ay sheegeen in la geeynayo dalka Qatar balse la geeyay Ereteriya, kuwaas oo  in ka badan sanad aan la soo hadlin.

Dowladda Qatar ayaa xilligaan waxaa ay saameyn weyn ku leedahay xaalada Arrimaha gudaha Soomaaliya, iyada oo taageero weyn siisa dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.