WARARKA SOOMAALI

Qarax xooggan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

By Abdi rashid

September 26, 2019

Muqdisho (HM) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay qarax Xooggan.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay Isgoyska Soobe oo hadda loo bixiyey 14 October, wuxuuna ahaa qarax xooggan oo laga maqlayo qeybo kamid ah Muqdisho.

Qaraxa ayaa wuxuu ahaa mid gaari lagu xiray oo la qarxiyey xilli uu marayey Isgoyska Soobe.

Gaariga la qarxiyey ayaa ahaa nooca aan xabadda karin oo ay isticmaalaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilaa hadda lama ogo cidda leh caarigaas oo hadda yaalo Isgoysk Soobe, waxaana gaariga ka muuqato dhibaato kasoo gaartay qaraxa.

Isgoyska Soobe ayaa waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda kuwaas oo baaritaan ka bilaabay halka uu qaraxa ka dhacay.

Lama soo sheegin khasaaro ka dhashay qaraxaas, wuxuuna ahaa mid gaariga lagu xiray, waxaana falalka noocaan oo kale ah looga bartay Kooxda Al-Shabaab.