WARARKA SOOMAALI

Qarax lala beegsaday Taliye Ciidan oo ka dhacay Muqdisho iyo Khasaaro jira

By Xuseen Post

January 11, 2021

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax daqiiqado kahor ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, kaasi oo jugtiisa laga maqlay xaafadaha qaarkood ee Muqdisho.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka la geliyo ah ayaa waxaa lala eegtay gaari uu la socday Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Kaxda, xili uu marayay inta u dhexeeysa xaafaddaha Xoosh iyo Suuq Liif.

Dad goobjoogayaal ah ayaa ku warramay in qaraxaas uu ka badbaaday Taliyaha Booliska degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir iyo ilaaladiisa, iyagoo kusoo jeeda Magaalada, kana yimid degmadooda.

Sidoo kale qaraxa ayaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo goobta ka agdhawaa, waxaana halkaas ku geeriyooday laba ruux oo mid uu ahaa Darawal Mooto Bajaaj, halka saddex qof kalena ay dhaawacmeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa tegay aaga uu qaraxu ka dhacay, isla markaana xiray halkaas, sidoo kalena saameeyay baaritaano kale, waxaana intaas kahad ku jiray isku socodka gaadiidka, wallow markii dambe uu dib u soo laabtay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii ugu dambeeyay kusoo banadayay qaraxyo miino nooca dhulka la geliyo ah, waxaana qaraxii ugu dambeeyay lala beegsaday Taliyaha Ciidanka Asluubta Mahad Maxamed Cabdiraxmaan, waxaana mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.