HORUFADHI MEDIA |

Hooyo iyo Carruurteeda oo ku dhintay Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho-Sawiro

Muqdisho (HM) – Inta la xaqiijiyey ugu yaraan illaa afar qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay, seddex kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib qarax miino maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray hooyo iyo canug yar ay dhashay, kuwaas oo saarnaa Mooto Bajaaj ay la kacday miinadaasi, xilli ay mareysay agagaarka madaxtooyadii hire ee Cabdiqaasim Salaad Xasan ee magaalada Muqdisho.

Saddexda qof ee dhaawaca ah ayaa la sheegay inay marayeen wadada uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo lala cararay mid ka mid ah  goobaha caafimaadka Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in bartilmaameedka qarax uu ahaa gaadhi ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, walow uusan soo gaadhi wax khasaare ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaadhay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan laamaha amniga oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, balse ma jiro faah faahin ay ka bixiyeen qaraxaasi iyo sidoo kale cid ay u soo qabteen falkaasi.

Inta badan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa weerarada noocan oo kale ah ka fuliso gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho, walow aysan weli ka hadlin qaraxaasi uu khasaaraha ka soo gaadhay dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Horufadhi News

Sawiro ku saabsan Qaraxa.

Exit mobile version