HORUFADHI MEDIA |

Qaramadda Midoobay,IGAD iyo AMISOM oo ka shiray xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya..

Muqdisho (HM) – Shir saddex geesood ah oo u dhexeeyey Qaramada Midoobay, IGAD iyo AMISOM ayaa ka dhacay goordhow magaalada Muqdisho ee xarunta ah, Shirkaas ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan wada shaqeynta u dhexeysa saddexdaasi dhinac.

Kulanka oo ku qabsoomay Video Conference ayaa waxaa diirada lagu saaray howlaha xafiisyada UNSOM, IGAD iyo AMISOM.

Sidoo kale waxaa lagu soo qaaday geeddi socodka iyo xoojinta iskaashiga kala dhaxeeya Soomaaliya howlaha Qaramadda Midoobay.

War kooban oo ka soo baxay xafiiska wakiilka Qaramada Midoobay, James Swan ayaa lagu faah faahiyey kulankaasi , iyadoona lagu sheegay in dhammaan xubnahaan ay isla meel dhigeen waxyaabihii ay ka wada hadleen.

“Waxa aan ku faraxsanahay in maalmihii la soo dhaafay aan saxiixnay Heshiis Isfaham oo u dhexeeya AMISOM, IGAD iyo UNSOM, oo aan ku xoojineyno iskaashigeenna iyo iskaashigeenna aan hore ugu taageernay Hay’adaha iyo dadka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Xafiiska Qaramadda Midoobay.

Shirkan saddex geesoodka ah ayaa ku soo aadaya, xilli dalka uu ku jiro marxalad kala guur ah, dowladduna ay u diyaar garoobeyso doorasho dhacda 2020/2021-ka.

Horufadhi News

Exit mobile version