WARARKA SOOMAALI

Qaramada Midoobay oo War kulul kasoo saartay weerarkii lagu qaaday Hotel Afrik

By Xuseen Post

February 01, 2021

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si adag u cambaareynayaan weerarkii   lagu qaaday Hotel Afrik oo ay dad badani ku dhinteen ama ku dhaawacmeen.

“Waan ka naxnay weerarkan foosha xun ee damiil la’aanta ah ee lagu qaaday goob ay si joogto ah u booqdaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan, waxaana u cambaareyneynaa sida ugu adag” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Sida ay wararku sheegayaan, Al-Shabaab ayaa weerartay Hotel Afrik oo ku yaal magaalada Muqdisho gelinkii dambe ee maalintii Axadda, waxayna muddo saacado ah heysteen [ka dhex dagaallamayeen] goobtaas, ka-hor intii aanay ciidamada amniga Soomaaliyeed kasoo af-jarin.

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay tacsi u dirayaan qoysaska dadkii ku dhintay, waxayna u rajaynayaan dadkii ku dhaawacmay kabasho degdeg ah.