WARARKA SOOMAALI

Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay Howlgalka cusub ee ATMIS ee Somalia

By xuseen waashitoon

April 07, 2022

Xoghayaha guud ee Jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa, Antonio guterres ayaa soo dhoweeyay dhismaha howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Mr; Guterres ayaa ku celceliyay inay Qaramada Midoobay si buuxda u garab taagan tahay howlgalka ATMIS iyo Ciidamada ammaanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Xoghayaha guud ayaa ku boorriyay dhammaan bah-wadaagta Qaramada Midoobay si inay taageero maaliyadeed u fidiyaan howlgalka ATMIS iyo dib u dhiska ciidamada Soomaaliya si ay ula wareegaan amniga dalka.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay, Antonio guterres ayaa ugu dambayn ammaanay guulaha la taaban karo ee ay ciidamada AMISOM ka gaareen nabad kusoo dabbaalidda Soomaaliya 15-kii sano ee la soo dhaafay.