WARARKA SOOMAALI

Qaramada Midoobay oo si kulul u Cambaareysay weerarkii Al-shabaab ee Xayaat

By xuseen waashitoon

August 21, 2022

Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii ku bilowday qaraxyada ee habeen kahor Al-shabaab ku qaaday Hotelka Xayaat ee ku yaalla wadada aada dhinaca Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Qoraal laga soo saaray Xafiiska UN-ka ee Muqdisho ayaa waxaa tacsi loogu diray ehelada dadkii ku dhintay weerarkii dhacay, iyagoona Caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay qaraxyada oo xaaladdooda Caafimaad lagu diibayayo Isbitaalada.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay garab taagan tahay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda ee dagaalka ku jirta waxa loogu yeero argagixisada “Qaramada Midoobay waxay muujinaysaa garab taagnida dhammaan shacabka”.

In ka badan 25 ruux oo isugu jira shacab, siyaasiyiin, Odayaal dhaqan iyo Askar Ciidan ayaa ku dhintay weerarkii ka dhacay Hotelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay sodameeyo ruux oo xaaladdiisa Caafimaad lagula tacaalayo Isbitaalada.

Dagaal qaatay 30 saacadood oo xiriir ah ayaa habeen hore illaa xalay ka socday gudaha Hotelka Xayaat, waxaana ku dhex-dagaalamayey raggii Al-shabaabka ka tirsanaa ee weerarka soo qaaday iyo Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Haramcad iyo Alfa Group.