Security Council meeting on the situation in Somalia. James Swan, Special Representative of the Secretary-General for Somalia and Head of the United Nations Assistance Mission in Somalia.

WARARKA SOOMAALI

Qaramada Midoobay oo Amar Culus kasoo saartay khilaafka ka taagan Hirshabeelle

By Xuseen Post

January 04, 2021

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James swan ayaa waxa uu maanta wada-hadal khadka Internet-ka ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe .

Qoraal kasoo baxay Xafiiska UNSOM ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in wada-hadalkaan diiradda lagu saaray in dib u heshiin laga galo  arrimaha siyaasadeed ee ka taagan Hirshabeelle.

 “Waxay dhinacyadan carrabka ku adkeeyeen in muhiimadda lasiiyo dib u heshiisiinta, Maamulka iyo dowladda waxaa laga doonayaan inay bilaaban dib u heshiisiin” ayaa lagu yiri Qoraalka UNSOM.

Doorashadii ka dhacday Jowhar ee lagu doortay Madaxweynaha iyo ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ka dhashay tabashooyin ay muujiyeen beelaha qaar, taas oo sababtay in duleedka Magaalada Beledweyne ay ka aas-aasanto jabhad hubeysan oo ka aragti ah siyaasadda maamulka.