WARARKA SOOMAALI

QM oo shaacisay inay korortay tirada dhimashada Tahriibeyaasha Caalamka

By xuseen waashitoon

December 12, 2021

Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheegtay  in 4,470 qof oo tahriibayaal ah ay ku dhinteen adduunka oo dhan sanadkan 2021,taas oo ka dhigan in Caalamka, tirada dhimashada sanadkan ay  ka badan tahay tii la diiwaangeliyey sanadkii hore 2020 oo ahayd 4,236 ayey tiri IOM.

Heya’adda IOM waxa ay sheegtay in ugu yaraan 54 muhaajiriin ah ay ku dhinteen shil baabuur oo khamiistii ka dhacay Chiapas – shilkii kaliya ee ugu dhimashada badnaa ee soo galootiga Mexico tan iyo ugu yaraan 2014, markaasoo IOM ay bilowday diiwaan gelinta dhimashada

Xuduudka dhulka ee u dhexeeya Turkiga iyo Giriiga ayaa ka mid ah goobaha ay kor u kacday dhimashadu sanadka 2021 marka loo eego sanadihii ka horeeyey ayey lagu xusay warbixinta.