Russian President Vladimir Putin listens to Turkish President Tayyip Erdogan during a meeting in Sochi, Russia August 5, 2022. Sputnik/Vyacheslav Prokofyev/Pool via REUTERS

WARARKA SOOMAALI

Putin oo socdaal ku tagaya Turkiga & kulanka Madaxweyneyaasha

By xuseen waashitoon

June 16, 2023

Madaxweynaha Ruushka , Vladimir Putin ayaa booqanaya Turkiga , si uu ula kulmo dhiggiisa Turkiga ,  Recep Tayyip Erdogan, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Interfax.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee Putin uu ku tago dal ka tirsan NATO tan iyo markii uu amar ku bixiyay in ciidamada ay galaan Ukraine sannadkii hore.

“Waxaa jirta casuumaad ka timid Madaxweynaha Turkiga. Putin iyo Erdogan waxay isku raaceen in booqashadu ay noqon doonto mustaqbalka dhow, laakiin weli kamaanu hadlin maalin gaar ah, taariikho gaar ah,” Interfax ayaa soo xigatay la taliyaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Putin.

Erdogan oo bishii hore dib loo doortay, ayaa tan iyo markii ay bilowdeen colaadda Ukraine isku dayay inuu sii wado xiriir adag oo uu la yeesho Moscow iyo Kyiv.