????????????????????????????????????

WARARKA SOOMAALI

Puntland:-Saciid Deni “Waxaan ka digeynaa nidaam doorasho oo sababa dagaal sokeeye,,-Video

By Abdi rashid

June 02, 2020

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay wado qorshe halis ah oo lagu marin habaabinayo doorashada ka dhaceysa dalka, isagoo caddeeyay in nidaamka hab qeybsiga 4.5 laga dhigato Dastuuri.

“Dowladda hada joogta 3 sano iyo barka waa ay ku guuldareystay inay dalka gaarsiiso qof iyo cod, si looga guuro nidaamka 4.5, inay ku guuldareysatay waxaa ka daran qorshayaal mar labaad ah oo Soomaaliya khatar u keeni kara Soomaaliya mar labaad meesha ay ka timid, inay ku kala tagto oo dib u kala irdhowdo, waxaa ka digeynaa nidaam 4.5 ah oo Dastuuri laga dhigaayo oo hey’ado sharci la marinaayo inay dalkaan ka dhacaan”ayuu yidhi Saciid Deni.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa uu sheegay heshiiskii 2016 dhexmaray Puntland iyo dowladda Federaalka lagu go’aamiyay, in aan mar dambe dib loogu laaban doorasho ku salaysan nidaamka 4.5, isagoo caddeeyay in haddii lagu laabto hannaanka 4.5 inuu dalka dib ugu celin doono khilaaf siyaasadeed iyo colaad keenta isku dhacyo hubeysan.

Saciid Deni ayaa sheegay in aysan suura gal aheyn in hey’ado ku yimid nidaam 4.5 inay ka taliyaan masiir kama dambeys ah, maadaama ay ku yimaadeen heshiis iyo is afgarad.

“Suura gal ma ahan Hey’ado sharci dejin ah oo ku yimid nidaam 4.5 inay ka taliyaan Masiir kama dambeys ah, maxaa yeelay iyaga waxay ku yimaadeen heshiis iyo is afgarad siyaasadeed, waxay noqdeen dad la soo xulay, dad la soo doortay maaha, dabcan Baarlamaanka la soo doorto oo shacabka cod siiyo, oo heshiiska inta aan la dooran lagu wada heshiiyo sida dowladda u ekaaneyso, sida dastuurka ahaanayo taas ayaa waxaa la dhihi karaa baarlamaanka leh awoodda kama dambeysta, inta baarlamaan noocaas uusan jirin horay uusan jiri jirin waxaa lagu xalin jiray is afgarad siyaasadeed”

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay wax kasta oo ku jirta Maslaxada dadka Soomaaliyeed inay qeyb ka qaadato.

“Waxaa ka digeynaa nidaama doorasho oo sababa dagaal sokeeye, dib u dhac iyo kala irdhow in dalka aan loo horseedin, gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa kula talinayaa in uusan taariikhda ku gelin waxaan hadhow dhibaato keenaya”ayuu yidhi Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland Saciid C/llaahi Deni.

Horufadhi News

Siciid Deni