WARARKA SOOMAALI

Puntland oo Wasiir ka tirsan DF ka joojisay Kulan oo Dad la yeelan lahaa

By xuseen waashitoon

October 12, 2022

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, halkaas oo uu uga qeyb galayo Shir looga hadlayo Arrimaha dhallinyarada.

Dhinaca kale Maamulka Puntland ayaa Wasiir Maxamed Barre Maxamuud xalay ka joojiyey kulan kordhac ah oo uu magaalada Gaalkacyo kula yeelan lahaa dhallinyarada magaalada, kuwaasi oo shalay soo dhaweyn u sameeyay.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda kama uusan hadlin sababta Puntland uga joojisay kulankii uu la qaadan lahaa dhallinyarada, balse wuxuu tilmaamay inuu kulamo kale la qaadan doono dhallinyarada.

“Maalmaha aan joogo magaalada Gaalkacyo waxaan kulamo la yeelan doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan dhalinyarada labada dhinac ayuu kuyiri qoraal uu kasoo saaray kulankii gaarka ahaa, balse uusan ka hadlin kulankii laga jojiyay” ayuu yiri Wasiirka oo Qoraal soo saaray.

Maamulka Puntland ayaan wax faahfaahin ah ka bixin amarka joojinta oo la sheegey in uu ka soo baxay madaxtooyada.