Taliska Booliska Gobolka Bari ee Puntland ayaa soo saaray amar Culus oo dhan ah Ganacsatada Magaalada Boosaaso gaar ahaan kuwo Sarifka oo maalmihii lasoo dhaafay cabasho laga muujiyay, kadib markii ay diideen qabashada Lacagta Shilinga Soomaaliga.
Saraakiisha amniga Boosaaso ayaa waxaa lagu amray inay xiraan Ganacsatada diidan in la furo goobaga Ganacsiga Magaalada, si dadka halkaas ku dhaqa ay wax u iibsadan, maadaama maalmo goobaha qaarkood ay xiran yihiin.
Sidoo kale laamaha amniga Boosaaso ayaa la faray inay xabsiga u taxaaban Ganacsato kasta oo diida qaadashada lacagta Shiling Soomaaliga ah, xili saddexdii maalin ee lasoo dhaafay halkaas laga diidayay lacagta.
Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in saakay la furay goobaha Ganacsiga Magaalada, isla markaana Suuqyada lagu soo daadiyay Ciidamo badan oo ka tirsan Puntland.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay in sababta Ciidanka saakay loo geeyay Suuqyada ay tahay sidii ay u ogaalan lahaayeen qaadashada lacagta Shiling Soomaaliga ah, iyagoona xiri doona cidii diidan.
Puntland aaya horey u sheegay in cidii diida lacagta Shiling Soomaaliga ah laga qaadi doono tallaabo, waxaana maalmihii dambe Boosaaso ka dhacayay banaanbaxyo looga horjeeday Sicir barar xoogan oo jiray.