WARARKA SOOMAALI

Puntland oo si Deg-deg ah u joojisay Doorasho lagu qaban lahaa Gaalkacyo

By Xuseen Post

December 29, 2020

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdilladiif Muuse Nuure (Sanyare), ayaa amar ku bixiyay in si deg deg ah loo joojiyo doorasho muran dhalisay oo la doonayay in laga qabto Degaanka Wadajir, oo ay ku nool yihiin Barakacayaasha Gaalkacyo.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiye Sanyare, ayaa lagu amray Guddoomiye ku-xigeenka Gaalkacyo iyo Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug in ay joojiyaan Doorashada laga qabanayo Degaanka Wadajir, si loo ilaaliyo Nabadda iyo Xasiloonida Gobolka.

Qoraalka waxa lagu xusay in Degaanka Wadajir uu yahay mid Istiraatiiji ah, oo uu ka socdo Mashruuc Horumarineed, sidaas darteedna Maamulka loo dhisayo la rabo in loo maro Waddo sax ah, oo aan khilaaf iyo muran keenin.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa socday diyaar ballaaran oo lagu doonayo in lagu qabto doorashada ka dhaceysa Degaanka Wadajir ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Puntland.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Mudug.