WARARKA SOOMAALI

Puntaland oo sheegtay inay fulin doonto mashaariic Soomaliland ku fashilantay Degmadda Taleex

By Abdi rashid

September 03, 2019

Laascaanood (HM)-Maamulka Puntland ayaa balan-qaaday inay la wareegi doonto dhismayaal ku yaal degmada Taleex ee gobolka Sool si ay ugu qabato adeegyada bulshada degmadaasi iyo deegaamada hoos yimaada.

Dhismayaasha dowladda hoose, saldhigga magaalada iyo xarumo kale oo ay dhaqaalohooda ku dhiseen ganacsato u dhalatay deegaanka oo balan-qaad ka haystay maamulka Somaliland ayaa waxa ay Puntland u heshay fursad ay kula wareegto kadib markii maamulka Somaliland ka baxay balan-qaadkii hore.

Duqa degmada Taleex Iimaan Cali Shire ayaa Warbaahinta u sheegay in xarumahaasi ay dhiseen ganacsato reer Taleex ah kadib markii maamulka Hargaysa uu u balan-qaaday inuu lacagta kaga baxda siin doono haseyeeshee uu uga baxay.

Guddoomiye Iimaan ayaa sheegay in Puntland ay hadda u soo jeensatey degmada Taleex ayna ganacsatadu soo dhoweeyeen in lacagtii kaga baxday ay ka qaataan xukuumadda Puntland ayna noqdaan goobo loogu adeego shacabka.

Dhanka kalena, bulshada Taleex ayaa si weyn u soo dhoweysey dhismaha waddo laami ah oo isku xidhaysa Taleex iyo laamiga gobolada Waqooyi uga baxa Garoowe taasi oo uu horay u dhagax dhigay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Gaas, haseyeeshee uu dhismeheeda balan-qaaday  Siciid Deni.

Bulshada Gobalada Ssc ayaa waxaa ay u dhaxaysaa loolanka labada maamul gobaleed ee Puntland iyo Soomaliland oo mid kastaaba midka kale ka xigsanayo isla markaana waxaa marar badan isku tuur tuur gala arrimaha Bulshada iyo adeegyadii kale ee waajibka ku ahaa maamuladani deegaanada ay maamulaan.

Puntland oo aan waligeed hal xarun iyo hal dhisme toona ka hirgalin deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa waxaa ay xaadh xadhaa hadhowna ka baxdaa meel ama mashaariic hore Soomaliland u balanqaaday laakiin uga baxday deegaanada, Puntland ayaa iyana afka uun ka sheegta maalmana isku soo xayd xayda inay mashaariicdaas fulin doonto hase yeeshee waa ku fashilantaa.

Horufadh News