Laascaanood (HM)-Dowlad goboleedka Puntland ayaa shaaciyay in Bishii 11-aad shaqadii laga ruqseeyay sarkaal hoggaaminayay ciidamo ku biiray maamulka Somaliland oo lagusoo bandhigay degmada Taleex ee gobolka Sool. xili uu halkaas booqanayey wasiirka warfaafinta maamulka Soomaliland ee kasoo jeeda isla deegaanka Saleebaan Koore.
Taliyaha guutada 26-aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland, S/Guuto Maxamuud Maxamed Axmed (Gubadle), ayaa sheegay sarkaalka lagu ruqseeyay oo lagu magacaabo gaashaane dhexe, Cali Baalle in uu diiday in uu soo xareeyo ciiddamo uu watay oo gaarayay 23 askari, si tababar u helaan loona diiwaan galiyo.
HALKAN KA DAAWOTaliye Gubadle ayaa xusay Puntland in ay go’aan cad ka qaadatay in ciidamo aan diiwaan gashanayn ay kusii dhex jiraan ciidamadeeda, isagoo intaas ku daray in sarkaalka la ruqseeyay uu doonayay inuu ku shaqeysto waxa loo yaqaano caagadaysi, oo loola jeedo sarkaal mushaar ku qaata ciidamo aan diiwaan gashanayn.
“Ciidan, haddaan la xaqiijin joogistiisa iyo tiradiisa, maalinta uu dagaal dhaco ayaa la tabaa oo ceebtooda banaanka usoo baxdaa, balse haddii la ogyahay tirada kuu joogta, ciidan walba kaalintiisa ayaa muuqanaysa,” ayuu yidhi Gubadle.