WARARKA SOOMAALI

Puntland oo shaacisay wakhtiga ay furayso Duulimaadyada-Video

By Abdi rashid

June 04, 2020

Garoowe (HM)-Maamulka Puntland ayaa shaacisay in ay rajeyneyso in bartamaha bishaan June ay dib u furto duulimaadyada caalamiga ah oo horey loo joojiyey cabsida laga qaabo faafitaanka safmarka Covid-19.

Ilyaas Cismaan Lugatoor [Gebiley], wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo garoomada, ayaa ka dhawaajiyey hadalkaas xilli uu wareysi bixiyey.

Mr Lugatoor ayaa tilmaamay in duulimaadyadda maxaliga ah ay dib u bilaaban doonan 8-da bishaan May ee sanadka 2020. Taariikhdaas waxaa qaadmaya xayiraadaha diyaaradaha maxaliga ah ee Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO WASIIRKA

Sidda laga soo xigtay wasiirka, 3-da bishaan May ayaa qorshuhu ahaa in la qaado xayiraada duulimaadyadda gudaha, balse dib-u-dhac baa ku yimid war kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu socday wareysiga, wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in ay ku fekerayaan in soo rogaan xeer cusub oo ah in dadku kala fogaadaan inta ay saaran yihiin diyaaradaha, tusaale ahaan labadii qofba uu u dhaxeeyo hal kursi.

Ethiopian iyo Daalo Airlines ayaa kamid ah diyaaradaha ka howlgala garoomada Puntland ee sameeya duulimaadyadda caalamiga ah.

“Duulimaadka caalamiga ah isagu wuxuu ku xiran yahay Ethiopian Airline iyo Daalo Airline oo inaga nagu xirnaa oo waddanka ka shaqeynayey; Ethiopian Airline oo kale annaga diyaar baanu u nahay in ay timaado, laakiin meelo ayay ku xiran yihiin meelaha ay dadka u sii qaadi lahaayeen gaar ahaan Kenya iyo Uganda hawadooda way is furi doonan hadii la gaaro 10-ka bisha waa okay dunida oo dhan hadda waa is-fur-furtay, marka waxaan rajeyn doonaa bishaan bartamaheeda wixii ka dambeeya in ay furmi doonan,” ayuu u sheegay muuqaal-baahiyaha ku hadla afka maamulka Puntland.

Horufadhi News

Sawir hore