WARARKA SOOMAALI

Puntland oo iska fogeysay eeda Somaliland ee Dagaalka Laascaanood

By xuseen waashitoon

February 07, 2023

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa War kasoo saartay dagaalka maalintii labaad ka socda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, kaasi oo u dhexeeya ciidanka kacdoonka shacabka iyo ciidanka maamulka Somaliland.

War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa waxaa lagu cambaareeyay xasuuqa ay Ciidamada Maamulka Somaliland ka wadaan Magaalada Laascaano iyo deegaanada hoos yimaada, iyagoona nasiib darro ku tilmaamay in Somaliland ku tilmaamaan Shacabka Laascaano iyo hogaankooda dhaqanka in ay yihiin Argagixiso.

Puntland ayaa caddeysay in aysan qeyb ka ahayn dagaalka ka socda Laascaanood, waxaana  ay sheegeen inuu yahay dagaal dadka Shacabka ah ee reer Laascaanood ay isaga difaacayaan gumaadka ay ku hayaan Ciidamada Somaliland ee muddada 15ka sano ahayd ku haysta Shacabka Laascaano caburin, dilal qorshaysan, xarig iyo tacadiyo kaleba.

“Puntland, sidii ay horeyba u sheegtay, waxay soo dhaweynaysaa in dadka Deegaanka oo ay hogaaminayaan Isimada dhaqanka ay aayahooda ka tashadaan” ayaa lagu yiri Warka.

Puntland ayaa sheegtay inay magacaabayso Guddi dadka deegaanka kala shaqeeya gurmadka iyo taakuleynta arrimaha bini’aadantinimada. Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay hay’adaha Caalamiga ah ugu yeeraysaa in ay gacan ka geystaan sidii gargaar deg deg loo gaarsiin lahaa dadka ku barakacay dagaalka Magaalada Laascaano iyo kuwa dhaawacmayba.

Ugu danbeyn Puntland ayaa Somaliland ugu baaqday in ay si deg deg ah u joojiso gumaadka ay dadka shacabka ah ku hayso, kalana baxdo ciidankeeda Laascaano iyo deegaanada kale ee Gobolka.