WARARKA SOOMAALI

Puntland oo Guddi u magacaawday weerarkii uu ka badbaaday Wasiirka A/Dibadda XFS

By xuseen waashitoon

April 24, 2022

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Guddi baaris u magacaabay weerarkii habeeno kahor lagu qaaday Guri ku yaalla Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Qoraal uu soo saaray Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayuu Guddiga ugu magacaabay baarista weerarkii Ciidamo ka tirsan Booliska Gaalkacyo ugu qaadeen Guri ay ku sugnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS, Nabaddoono iyo siyaasiyiin kale.

Guddiga uu magacaabay Axmed Karaash ayaa ka kooban 6 xubnood, waxaana Guddoomiye looga dhigay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Maamulka Puntland Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, kuwaasi oo baaris ku sameeyn doona qaabka uu u dhacay weerarka.

Hoos ka Akhriso magacyada xubnaha Guddiga ee la magacaabay.

1: Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan. (Wasiir ku xigeenka Amniga iyo DDR). Gudoomiye

2: Xil Axmed Jaamac Cabdulle. (Xildhibaan Puntland).

3: Xil Cabdiweli Yuusuf Warsame. (Xildhibaan Puntland).

4: Gen. Caydiid Axmednuur Warsame. (Kusimaha Taliyaha Booliiska Puntland).

5: Aadan Cali Maxamuud. (Kusimaha Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Puntland)

6: Asad Faarax Maxamed.  (Xoghayn)