Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in aysan aqoonsanayn hay’adda Batroolka u qaabilsan dowladda Soomaaliya ee Soomaaliya Petroleum Authority.
Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka Macdanta iyo biyaha Puntland, Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan) ayaa lagu caddeeyay in Puntland aysan aqoonsanayn dhammaan heshiisyada iyo shaqada hay’adda Shidaalka u qaabilsan Soomaaliya ee SPA.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in mudda-xileedkii Dastuuriga ahaa ee hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu dhammaaday 8 February 2021, isla markaana aysan xukuumadda Federaalka awood u laheyn in ay gasho heshiisyo caalami ah.
Sidoo kale, Maamulka Puntland ayaa ugu baaqday shirkadaha Shidaalka ee doonaya in ay heshiisyo la galaan dowladda Soomaaliya in ay iska sugaan, inta ay dhacayso doorashada madaxtinimada dalka oo ay ka imaanayso dowlad awood u leh shaqadaas.