Site icon HORUFADHI MEDIA |

Puntland oo Dowladda Federaalka Soomaaliya eedeyn culus u jeedisay xili khilaaf daba dheeraday jiro.

 Garoowe (HM)- Puntland Madaxweynaha mamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu gudoomiyey shirka todobaadlaha ee Golaha Xukuumadda dowladda Puntland.

Inta badan xubnaha Golaha Wasiiradda ayaa kasoo qeybgalay shirka oo ka dhacay Madaxtooyadda magaala madaxda dowladda ee Garowe.

Madaxweyne ku-xigeenka, Axmed Cilmi Cismaan [Karaash] ayaa kamid ah mas’uuliyiinta kasoo muuqday kulanka.

Sidda laga soo xigtay Madaxtooyadda, shirka ayaa diiradda lagu saarey Amniga, Tayeynta Waxbarashada, diiwaangelinta iyo dib u habeynta Shaqaalaha iyo qodobo kale.

Qoraal kasoo baxay kulanka oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ah in ay wali dagaal ku hayso waxbarashadda Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xukuumadda ay ardayda Puntland u diiday shahaadadii heer federal ayna arrintaas u xayiran yihiin arday ku sugan Garowe iyo Muqdisho.

“Dowladda Federaalka oo qoraal u dirtay dowladdaha Puntland ka caawiya waxbarashada ayaa ka codsatay in la joojiyo in waxbarashada Puntland la taageero,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Puntland oo dhaqankaas ku tilmaamtay mid muujinaya in la jabiyay heshiisyadii ay wada galeen labada dhinac ayaa xustay in dhibaato kasta oo ka dhalatay ay qaadeyo xukuumada.

Exit mobile version