HORUFADHI MEDIA |

Puntland Maxakamadda Bosaaso oo xukun dil ah ku riday Haweenay lagu helay fal naxdin leh-Video

Laascaanood (HM)-Maxkamadda Darjada 1-aad ee gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland ayaa maanta oo khamiis ah xukun dil ah ku riday haweeney lagu eedeeyay in ay xaday gabadh yar kuna geeriyootay gurigeeda Magaalada Boosaaso.

Baaritaano kadib ayaa maxkamada ku heshay Ruqiyo Cabdiraxmaan Maxamed in ay xaday gabar yar oo sanad jir aheyd taa oo markii dambe ku geeriyootay guriga ay degneyd haweeneydan xatooyada geesatay.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Bari Abuukar Cabdinuur Jaamac ayaa sheegay in eedaysane Ruqiyo ay qiratay dambiga lagu soo oogay ee ah in ay xadday gabar sannad jir ahayd taasi oo gurigeeda ku dhimatay, waxa uuna cadeeyay in lagu riday xukun dil ah.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Maxkamada darajada 1-aad ee gobolka Bari ayaa sidoo kale 3-sano oo xabsi ah ku riday ninka qabay haweeneyda dilka lagu xukumay, waxaana lamaanayaashan xukunada lagu riday racfaan uga qaadab karana mudo 30-cisho ah.

Haweeneydan cunugta yar xaday kadibna gurigeeda ku dhax geeriyootay gabadha yar ayaa hadal heyn badan ka abuurtay magaalada Boosaaso, waxaana dadka magaaladaasi maanta aragtiyo kala duwan ka dhiibteen xukunkan lagu riday haweeneydan .

Horufadhi News

Sawirka Maanta
Exit mobile version