Site icon HORUFADHI MEDIA |

Puntland maleeshiyo Beeleed hubeysan oo qabsaday xaruntii Dowladda hoose ee Burtinle.

Laascaanood (HM)-Wararka ka imaanaya degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal ee Puntland ayaa sheegaya in malayshiya-beeleed hubaysan ay maanta qabsadeen xarunta dowladda hoose ee degmadaasi oo ay ka socotay xulista xildhibaannada golaha degaanka buurtinle.

Malayshiyaadka oo ka caraysan hannaanka ay u socoto xulista xildhibaannada golaha degaanka Buurtinle ayaa gebi ahaanba albaabada u laabay xarunta dowladda hoose waxaana ay joojiyeen shaqadii xulista ee halkaasi ka socotay.

Qaar kamid ah waxgaradka iyo odayaasha degmada Buurtinle ayaa sida la sheegayo ku hawllan sidii malayshiyaadka loogu qancin lahaa in ay banneeyaan xarunta dowladda hoose si shaqada xulista xildhibaannada loo sii wado.

Balse dableeyda hubaysan ayaa dalbanaya in jifidooda hal xildhibaan loogu daro golaha cusub ee degaanka haddii kalena ay sii haysan doonaan xarunta ay shaqadu ka socotay ilaa loo fuliyo dalabkooda.

Degmada Buurtinle ayaa waxa maalmahan ka taagnaa khilaaf ku salaysan xulista xildhibaannada golaha degaanka ee degmadaasi loo dhisayo iyo hannaanka loo maray xulistooda.

 

Exit mobile version