Garoowe (HM)-Gabadh dhimirka ka xanuunsanaysa oo 16 jir ah ayaa kufsi wadareed loogu kufsaday magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland, sida ay sheegtay hooyada dhashay oo saxaafadda la hadashay.
Gabadhan oo ay qoyskeeda weysanayeen muddo saacaddo ah ayaa waxaa kufsi iyo jirdil u geystay labo nin oo la sheegay inay walaalo ahaayeen oo mid kamid ah gacanta lagu dhigay.
Deeqo Maxamed Cabdi waxay codsatay in cadaalada loo horkeeno dambiilayaasha falkaan ka dambeeyay.
Puntland kiisaska kufsiga ayaa aad ugusoo badanaya, waxaana sanadkan iyo sanadki hore ka dhacay kiisas isugu jira kufsi iyo dil.
Horufadhi News