WARARKA SOOMAALI

Puntland:-Deni oo digniin kasoo saaray khilaafka kala dhaxeeya Axmed Karaash in si kale loo dhigo.

By Abdi rashid

June 02, 2020

Garoowe (HM)-Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay khilaafka xoogaystay ee kala dhaxeeya ku xigeenkiisa iyo sidoo kale doorashooyinka Soomaaliya ee dabayaaqada sanadka 2020-21 la filayo inay dalka ka qabsoomaan.

Deni ayaa meesha ka saarey in uu Puntland ka jiro khilaaf sharci ah iyo mid siyaasi ah ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in isaga iyo Axmed Karaash ay ka dhex-taagan tahay kala aragti duwanaan dhanka maamulka ah.

Wuxuu sidoo kale cod dheer ugu digay Deni shikhsiyaad uu sheegay inay Baraha Bulshada ka wadaan marin habaabin ku saabsan Khilaafka kala dhaxeeya Ku xigeenkiisa Karaash.

Hadalka Deni ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ay socdaan dadaalo lagu doonayo in lagu dhameeyo khilaafka kala geeyay isaga iyo ku xigeenkiisa oo ay wadaan isimada dhaqanka Puntland iyo dadka ehelka u ah siyaasada ururada rayidka Puntland , waxaana la filayaa in maanta la isa soo hor fadhiisiyo labada masuul kadib markii uu Deni aqbalay soo jeedinta isimadda oo ah inuu la kulmo Karaash.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa goor sii horaysay wuxuu ka dhawaajiyey in aysan salaanta iska qaadin Deni halka ay meesha ka baxday gabi ahaanba wada shaqayntii labadan Masuul.

Khilaafka oo ahaa mid ilaa bilowgiiba soo jiitamayey sida uu Karaash laftiisu carabka ku adkeeyay ayaa cirka isku sii shareeray kadib markii uu Deni isbadel uusan tashi kala sameyn Karaash ku sameeyay Taliye’yaasha Madaxtooyada taasoo khilaafka banaanka soo dhigtay xooggiisa.

Dhanka kale, Deni ayaa adkeeyay in coddeynta qorshuhu yahay in ay dalka ka dhacdo dhamaadka sanadkan aysan dib u dhicin.

Puntland ayuu si cad u sheegay in aysan ogolaan doonin dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka oo aanan heshiis mida laga gaadhin.

Baarlamaanka haatan jira ee federaalka ayuu ka dhawaajiyey in Puntland ay kalsoonida kala noqotay isla markaana waajib ay tahay in hogaankeeda lagala tashado arrimaha masiiriga ah sidda doorashooyinka.

“Puntland, baarlamaanka hadda jira ee shacabku dooran ee xulashadda ku yimid oo waqtigiisu afarta bilood ka harsan tahay go’aan uma qaadi karaan, arrintaas si cad baan u sheegeynaa in lagu kadsoomana ma rabno; go’aanka Puntland dowladda Puntland ayuu yaalaa goleyaasheeda kala duwan iyo wax-garadkeeda, iyagana ayaana masiirkooda taladiisa ka qeyb-qaadan doono,” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha maamulk iskugu yeedhay Hooyada Federaalka.

Xubnaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku milmay laanta fulinta ama xukuumadda, taas oo meesha ka saartay isla xisaabtanka sida uu ka dhawaajiyey.

Baarlamaanka ayaa la filayaa in dhowaan ay warbixin ka dhageystaan Guddiga doorashooyinka Qaranka oo wajahaya eedeymo ku saabsan in uu ka gaabiyey diyaar-garowga iyo “xalaaleynta muddo kororsi”.

Doorashooyinka dalka ee dhamaadka sanadkan ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, balse xisbiyadda mucaaraadka iyo maamulada dalka qaar waxay sheegeen in laga gaabiyey u diyaar-garowga cod-bixintaas.

Horufadhi News

Deni iyo Karaash

VIDEO