WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Puntalnd oo shaqada ka joojisay Saraakiil sameeyay fal naxariis daro & fadeexayn ah-Video

By Abdi rashid

June 12, 2020

Garoowe (HM)-Taliyaha Booliska maamulka Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa shaqo joojin ku sameeyey saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Puntland gaar ahaan kuwa gobolka Kakaar.Saraakiisha shaqo joojinta lagu sameeyay oo kala ah Taliye ku xigeenka qeybta Booliska gobolka Karkaar Jaamac Cismaan Axmed Dhalac iyo Taliyaha saldhiga bartamaha Qardho Cumar Hiirad Kaatun ayaa lagu eedeeyey xadgudub.

HALKAN KA DAAWO

Taliye Cabdi Yare oo xalay warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa sheegay in Booliska Puntland uu qaaday labo tallaabo oo kala ah baaritaan lagu sameeeyey kiis 8 bishan ka dhacay magaalada Qardho iyo shaqo joojin lagu sameeyey labadii sarkaal ee ku lug lahaa kiiskaas.

“Waxaan cudurdaar ka bixinayaa falka oo ku dhacay aqoon xumo iyo sharci darro mana ahayn mid ku fiican sumcadda iyo magaca Booliska.”ayuu yidhi taliyaha Booliska Puntland.

Taliyaha Booliska Puntland wuxuu xusay in kiiskaas gungaaristiisa marka la gaaro la marin doono wuxuu ku dhammaado oo ah ciqaab ama xeer ciidan.

Labada Sarkaal Jaamac Cismaan Dhalac iyo Cumar Hiirad Kaatun ayaa loo haystaa muuqaal xadgudub ah oo siddeedii bishan laga duubay dhalinyaro ku caweynaysay bannaanka magaalada Qardho, kaas oo lagu baahiyey baraha bulshada.

Horufadhi News

Sawirada Saraakiisha Shaqada laga joojiyey. @Horufadhi News