WARARKA SOOMAALI

NISA oo shaacisay in howlgal qorsheysan ku dishay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab

By xuseen waashitoon

December 02, 2021

Taliska Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaaciyay in howlgal qorsheysan oo habeenimadii xalay ka dhacay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ku dileen Saraakiil ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Qoraal lasoo dhigay barta rasmiga ah ee Twitter-ka Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka qorsheysan ay ku fuliyeen Muqdisho lagu beegsaday 15 Sarkaal oo kamid ah Al-shabaab, isla markaana la dilay 12 xubnood.

Taliska Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa sheegay in Saraakiisha ay bartilmaameedsadeen ay Al-shabaab u qaabilsanaayeen khalkhal-gelinta Amniga Caasimadda Muqdisho, waa sida hadalka looga dhigay.

“Howlgal gaar ah ayaa caawa lagu beegsaday 15 sargaal oo AS u qaabilsanaa  khalkhal-gelinta Amniga Caasimadda Muqdisho. Waxaana ku dhintay 12 kamid ah Al-shabaab. Waa waajib qaran  ilaalinta amniga iyo bedbaada umadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Qoraalka NISA.

Hay’adda  NISA ma shaacin goobta uu ka dhacay howlgalka ay sheegtay inay ku dileen 12 Sarkaal oo kamid ahaa Al-shabaab, sidoo kalena ma sheegin inay baxsadeen saddexda Sarkaal kale iyo in la qabtay, balse waxa ay tilmaameen oo kaliya dilka 12 xubnood.