WARARKA SOOMAALI

NISA oo Maanta shaacisay inay dishay 22 Dagaale oo ka tirsanaa Al-Shabaab

By xuseen waashitoon

February 22, 2023

Taliska hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa faah faahin ka bixiyey howlgal qorsheysan oo ciidankooda saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen deegaanka Shaw oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle.

NISA oo qoraal ay soo saartay ku sheegtay in howlgalka lagu dilay 22 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, iyagoona intaas kusii daray in howlgalka dhacay ay  ka qeyb qaateen saaxiibada Soomaaliya ka taageera la dagaalanka Al-Shabaab.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarka lala beegsaday gaari nooca Homey ah oo ay saarnaayeen ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo ku socdaalayay deegaanka Shaw oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Taliska hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa tilmaamay in xubnaha la dilay ay ka soo firxadeen howlgal shalay ka dhacay Tuulada Cadalay oo hoos tagta degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Mas’uuliyiinta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa shalay sheegay in duqayn cusub lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo u dhow magaalada Jalalaqsi. Ma cadda haddii labada weerar ay xiriiraan ama isku mid yihiin.