WARARKA SOOMAALI

NISA oo howlgalo qorsheysan ka fulisay Magaalada Muqdisho iyo waxa lagu qabtay

By xuseen waashitoon

July 12, 2022

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliyay meelo kala durugsan oo kamid ah Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaas oo lahaa bartilmaameedyo cayiman oo indhaha lagu hayay.

Ciidamo hubeysay oo ka tirsan hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa fuliyay qorshaha hawlgalka ka dib markii ay heleen xuuraan sugan oo sheegaya in ay jirto halis amni oo ku wajahan shacabka, taasoo u baahan in laga hortago.

Howlgalka hore ayaa wuxuu ka dhacay degmada Hiliwaa, wuxuuna ahaa mid amniga lagu xaqiijinaayay oo ay hareer socotay baaris dadka iyo gaadiid lagu samaynayay.

Waxaa xigay howlgal kale oo xalay laga sameeyay degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, waxaana lagu soo qabtay walxo la doonayay in lagu khalkhal galiyo ammaanka Caasimadda iyo shacabka ku dhaqan.

Howlgaladan oo qaatay saacado ayaa ku soo dhammaaday sidii loo qorsheeyay, iyadoo aysan dhicin qasaare.