WARARKA SOOMAALI

NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno badan oo ka tirsanaa Al-shabaab

By xuseen waashitoon

November 06, 2022

Ciidanka hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa howlgalo qorsheysan oo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ka fuliyey deegaanka Galka Saalimow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfur Galbeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka NISA ka fulisay degaanka Galka Saalimow uu ka danbeeyay, ka dib markii Ciidanka Sirdoonka uu helay xogta xubno Al-shabaab oo waday diyaarinta falal.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in howlgalka inta uu socday lagu dilay 21-xubnood oo kamid ahaa dagaalamayaasha Al-shabaab, halka ku dhawaad 10 dagaalame kalena laga dhaawacay waa sida lagu yiri Warkaj Wasaaradda.

“Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana lagu burburiyay dhammaan Al-shabaab halkaasi ku sugnaa iyo qorshihii falalka ahaa oo ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda Warfaafinta.