Igor Vovkovinskiy oo loo aqoonsan yahay Ninkii ugu dheeraa Maraykanka waxa uu muddo dheer deganaa magaalladda Rochester ee Gobalka Minnesota ee dalkaasi.
Ninkaasi oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Ukraine waxa uu Jimcihii ku geeriyooday da’da 38 jir.
Qoraal ay Barteeda Facebook soo dhigtay Hooyadiisa oo lagu magacaabo Svetlana Vovkovinska, qaxay xaqiijisay inuu wiilkeeda Igor uu Cuddurka wadno xanuun ugu geeriyooday Isbitaalka Mayo Clinic oo ku yaalla magaalladda Rochester bishan August 20-dii.
Igor Vovkovinskiy oo isagoo 7 jir ah ayaa Daaweyn Caafimaad loo geeyey magaalladda Rochester, kadib, markii uu si kheyrul-caadi ah jirkiisa u korayey dherer ahaan.
Igor Vovkovinskiy waxaa la sheegay inuu dhererkiisu gaaray 7 cagood iyo 10 Hiish (7 feet, 8 inches). Igor Vovkovinskiy waxa uu bishii September 18-dii ee sanadkii 1982-kii ku dhashay magaalladda Bar ee dalka Ukraine.
Waxa uu ka qalin jebiyey Dugsiga John Marshall High School iyo Rochester Community and Technical College.