WARARKA SOOMAALI

Ninkii dilay Wasiir Cabaas Siraaji oo saaka dil toogasho ah lagu fuliyey

By xuseen waashitoon

October 22, 2022

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka oo sabti ah waxaa ay xukun dil ah ku fulisay Axmed Cabdullaahi Cabdi oo bishii May ee 2017 dilay Wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji.

Maxkamadda Ciidamada ayaa kal horey waxaa xukun dil toogasho ah ku ridday Axmed Cabdullaahi Cabdi oo qirtay inuu dilay Wasiirkii hore ee Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre.

Marxuum Cabaas ayaa 3-dii bishii May ee sanadkan u dhintay rasaas ay fureen ilaalada hanti-dhowrkii guud ee xilka laga qaaday Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Maxamuud Siraaji oo ah marxuumka walaalki ayaa soo dhaweeyay dilka lagu fuliyay Axmed Cabdullahi Cabdi. “Cadaaladda ayaa ugu dambeyntii guuleysatay” ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Allaha u naxariistee Cabaas Siraaji, oo 31 jir ahaa, ayaa sidoo kale ahaa wasiirkii ugu da’da yaraa xilligaas, waxa uu kasoo laabtay xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo uu ku soo barbaaray.