WARARKA SOOMAALI

Nin la dhashay mas’uul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo la dilay

By xuseen waashitoon

September 07, 2022

Faah faahino ayaa laga helayaa kooxo hubeysan oo xalay gudaha xaafad ka tirsan degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ku dilay Nin dhallinyaro ah oo la dhashay Guddoomiyaha degmada Warta-nabadda ee Muqdisho Seynab Maxamuud Xaabsey.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in rag hubeysan oo watay Bastoolad ay rasaas ku fureen Ninka, xilli uu ku sugnaa xaafadda Baar Ubax ee degmada Howlwadaag, waxaana uu Ninkaas markii dambe u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray rasaasta.

Ninka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Liibaan Maxamuud Xaabsey, waxaana walaalo ay yihiin Guddoomiyaha degmada Warta-nabadda ee Gobolkaan Banaadir Seynab Maxamuud Xaabsey, weli lama oga sababta loo dilay iyo cidda ka dambeysay.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda ah ayaa waxaa maalmihii dambe ka dhacayey falal amni darro ah oo geysanayeen kooxo hubeysan, iyadoo horey dadka kunool Magaalada ay cabasho ka ahaayeen burcad hubeysan oo dadka dhac u geysta, kadibna disha.