WARARKA SOOMAALI

Nin hubeysan oo isku dayay inuu galo xarunta CIA-da oo la dilay

By Xuseen Post

May 04, 2021

Nin hubeysnaa ayay saraakiil ka tirsan hay’adda FBI-da Mareykanku toogteen kaddib markii ay saacado isku horfadhiyeen albaabka laga galo xarunta CIA-da, sida ay sheegtey hay’adda dambi barista Mareykanka.

Ninkan oo aan la aqoonsan wali ayaa laga hor istaagay inuu gaari ku dhaafo albaabka xarunta CIA-da oo ku taala bannaanka Washington DC isniintii shaley. Saraakiisha ammaanka xarunta ayaa sheegey in ay isku dayayeen in ay la xaajoodaan ninkan si uu isku soo dhiibo dhowr saacadood.

Qoraal ay soo saartay hay’adda FBI-da ayaa lagu sheegey in nin watay gaari oo hubna u saarnaa uu soo abbaaray saraakiishii ammaanka. Qoraalka ayaa lagu sheegay in la dhaawacay ninkan, loona qaaday isbitaal si loo daweeyo.

Goor hore oo shalay ah ayaa afhayeenka CIA-du waxa uu sheegey in ay la socdeen xaaladda ka taagneyd bannaanka xarunta oo ah goob ammaankeeda si weyn loo xakameeyo, dhowr boqol oo mitirna u jirta dhismaha weyn ee xafiisyada hay’adda ku yaallaan.