WARARKA SOOMAALI

Nin hoggaaminayay koox weerartay Xerada Xalane oo gacanta lagu dhigay

By xuseen waashitoon

June 27, 2023

Ciidanka ammaanka magaalada Muqdisho ayaa howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen kusoo qabtay Ninkii hoggaaminayay koox weerar loo adeegsaday madaafiic ku qaaday Xerada Xalane iyo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay ninkoo hoggaaminayay kooxdii fulisay weerarka oo dhacay Axadii lasoo dhaafay ee dorraad aheyd.

Ninka ayaa magaciisa ku sheegau Xuseen Cali Deerow Buule, kaasi oo ay xireen laamaha amniga dowladda Federaalka, iyagoona intaas kusii daray inay wadaan howlgal kale oo lagu baadi goobayo rag kale oo qeyb ka ahaa weerarka oo baxsaday.

“Sidookale, ciidamadu waxay ka hortageen gantaalo rakiban oo aan wali labridin, waxaana qantaaladii lagu burburiyay goobta halka baaris ay ku socoto dhagarqabihii la soo qabtay” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay taliska qeybta guud ee Booliska Muqdisho.